WARBIXIN : Xoogaga Shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Degmada Afgooye

0

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo kuwa Shabaab ayaa xalay wuxuu ka dhacay Degmada Afgooye, kadib markii Shabaab ay soo weerareen Degmadaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa Al Shabaab waxa ay ku beegsadeen Saldhigyada Ciidamada Xoogga ay ku leeyihiin Afgooye, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa sheegay dagaalka in lagu dilay dagaalyahano Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo ah kuwii weerarka soo qaaday.

Col. Jaamac Muraad oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada dowladda ee weerarka soo qaaday ayaa tilmaamay in saddex nin oo Shabaab ay dileen, halka afar kalena ay ku dhaawaceen dagaalkaasi.
Warar soo baxay ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga dalka Somaliya laga qabsaday gaadiid dagaal oo ay la wareegeen gaadiidkaasi dagaalyahanada Ururka Al Shabaab, inkastoo warkaasi uusan aheyn mid cad.

Xaaladda Degmada Afgooye ayaa saaka waxa ay tahay mid degan, dagaalkii xalay ayaa Shabaab waxa ay uga jawaabayeen weeraradii shalay subax ciidamada Danab ay ku qaadeen deegaanada Awdheegle, Mubaarak iyo Farsooley oo ka tirsan Shabellaha hoose.

Waa habeenkii labaad oo xiriir ah oo Al Shabaab ay weeraraan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, todobaadkaan gudihiisa.