Warbixin:- Al-shabaab Oo la ogaaday in ay lacago Farabadan Ka helaan Gargaarka lasiiyo Barakacayaasha

0

Taleefishinka CNN ee saldhigiisu yahay dalka Maraykanka ayaa soo bandhigay barnaamij maqal iyo muuqaal ah kaasoo ka hadlaya sida lacagaha deeqaha ah ee la siiyo dalka Soomaaliya ay ugu gacan gasho ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Baaritaan uu sameeyay taleefishinka CNN ayaa lagu sheegay in lacago ay si toos ah u siiyaan Qaramada Midoobay dadka ku baracay dagaalada iyo abaaraha inay u gacan galaan ururka Al-Shabaab.

Xubno hore ugaga tirsanaa Al-Shabaab iyo saraakiil ka tirsan sirdoonka dalka Soomaaliya ayaa u sheegay weriye ka tirsan CNN oo booqday Baydhabo in lacago badan ay Al-Shabaab ka helaan maalin walba jidgooyooyin u yaal halka laga soo galo Baydhabo iyo weliba ganacsatada magaalada kuwaasoo raashin geeya xeryaha dadka barakacayaasha ay ku nool yihiin.

Dadka ka soo barakacay guryahooda oo ku nool magaalada Baydhabo ayaa Qaramada Midoobay waxa ay siisaa lacag gaareysa $80 illaa $90 kuwaasoo kaarar loogu shubo si ay cunto ugu iibsadaan.

Saraakiil u hadashay Qaramada Midoobay ayaaa waxa ay sheegeen in lacagta sida tooska ah loo siinayo barakacayaasha ay tahay mid loogaga fogaanayo in gaadiid cunto lagu soo raro la dhaco amaba la weeraro.

Hase yeeshee warbixinta ayaa lagu sheegay in ganacsatada keeneysa cuntada ay jidgooyooyin u dhigtaan Al-Shabaab iyagoo ka qaada loorkii cunto ah $3 taasoo marka la isku daro ay kumanaan dollar maalin walba ay ka helaan Al-Shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay lacagta ka soo gasha Al-Shabaab bar koontarool oo ay ku leedahay gobolka Bay ay gaareyso shan kun oo dollar maalin walba. Sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay ka soo gasho lacago faro badan ganacsatada iyagoo ka qaada Zako marwalba, taleefishinka ayaa meel gaar ah ku wareystey dagaalame hore ugaga tirsanaa Al-Shababa kaasoo muddo sagaal sano ah ururinayay lacagaha zakawaatka loo yaqaan.