South Africa: Madaxweyne Zuma oo loogu baaqay inuu iscasilo?

0

Xisbi Xaakimka Koonfur Afrika ee ANC ayaa ugu baaqay Madaxweyne Jacob Zuma oo ka tirsan xisbigaasi inuu xilka isaga dego, kadib kulan saacado badan qaatay oo ay Isniintii shalay yeesheen golayaasha xisbigaasi.

Maanta ayaa lagu wadaa in Xisbiga saxaafada usoo bandhigo go’aankooda, warar horudhac ah ayaa sheegaya in xisbiga 48 saac u qaban doono Zuma inuu xilka isaga dego, walow ay muuqato in weli xubnaha xisbigaasi ay ku kala qeybsan yihiin sidii laga yeeli lahaa Madaxweyne Zuma oo ay heystaan fadeexooyin badan oo la xariira musuq maasuq oo qaarkood maxkamada horyaal.

Madaxweyne Zuma ayaa marar badan ka badbaaday codka kalsoonida oo uu Baarlamaanka u qaaday, waxaana horey taageero mar walba usiin jiray xildhibaanada Xisbi Xaakimka oo leh codka aqlabiyada ee Baarlamaanka.

Hase yeeshee Maalmihii lasoo dhaafay ayey in badan oo kamid ahaa taageerayaasha Zuma ku dhex lahaa xisbiga ANC ku biireen kuwa ku baaqaya inuu xilka isaga dego.

Cadaadiskan ka heysta Zuma xisbigiisa ayaa ah mid la doonayo in Madaxweynaha iskiis ugu dhawaaqo inuu xilka ka degayo kahor inta aan wakhtigiisa u dhamaan ee sanadka soo socda.

Taageerayaasha xisbiga ANC ayaa hoos u dhacay sanadihii lasoo dhaafay, waxayna hogaanka xisbigaasi ka cabsi qabaan in fadeexooyinka heysta Zuma ay dhaawacaan sumcada xisbigooda oo isu diyaarinaya doorashooyinka soo socda.

Guddoomiyaha cusub ee xisbiga ANC Cyril Ramahosa oo la doortay bishii December ayaa kamid ahaa xubnaha ANC ee kasoo horjeeda Zuma, inkastoo Guddoomiyaha ANC sheegay inuu xushmeenayo Zuma oo uu doonayo inuu iskiis isu casilo.

Hadii Zuma ku adkeysto inuu xilka sii hayo ayaa waxaa suurto gal ah in Baarlamaanka markale codka kalsoonida u qaado, taasi oo loo badinayo in markan Zuma uusan ka badbaadi doonin in Baarlamaanka xilka ka xayuubiyo.