Shabaab oo dad rayid ah ku xir xiray deegaanadii ay dib u qabsadeen ee G/Sh/Hoose

0

Kooxda al shabaab ayaa dad rayid ah ku xir xiray deegaanadii ka tirsanaa gobolka shabeelaha ee ay dib u qabsadeen.

Ciidamada dowlada ayaa isaga baxay deegaanadan xeelad milatari awgeedd,iyagoo shalay howl gal ay sameeyeen kula wareegay goobaahsi oo ay shabaab ka ariminayeen muddo badan.

Ururka oo dib ugu soo laabtay deegaanadii laga qabsaday ayaa xabsiga u taxaabay 20 qof oo Ku kala noolaà deegaanada Mubaarak Awdhiigle Iyo Farasoole,waxan dadkan rayidka ah lagu eedeeyey in ay soo dhaweeyeen ciidamada dowladii markii ay shalay magaalada LA wareegeen.

Dadkan LA xiray ayaa isugu jiro dhalinyaro iyo odayaal dhaqameed da’ ah,iyadoo aan LA ogayn xaalada rasmiga ee iminka xabsiyada ay Ku jiraan ku heysata.

Shabaab ayaa weli ka taliya deegaano fara Ku tiris ah oo gayiga soomaaliya ka tirsan waxana dadka deegaanada ay ka arimiyaan Ku dhaqan ay kula kacaan falal ka baxsan xuquuqda aadanaha.