ONLF oo ka hadashay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee Qalbi Dhagax

0

Jabhadda ONLF ayaa sheegtay in hadalka Madaxweyne Farmaajo ee ahaa inuu raacsan yahay go’aankii Baarlamaanku ka qaateen dhiibista Qalbi Dhagax uusan ku soo beegmin waqtigiisa.

Afhayeenka Jabhaddaasi Cabdulqaadir Xasan Hirmooge ayaa sheegay in dhiibista Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax laga joogo muddo dhan Lix Bil islamarkaana Madaxweynaha uusan ka hadlin intaas.

Waxa uu sheegay in dhiibista Qalbi Dhagax oo dowladdu ay ku wareejisay Itoobiya bishii August ee sanadkii la soo dhaafay ay ka dambeeyeen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad sugidda Soomaaliya oo xilkaas laga qaaday waa sida uu hadalka u dhigay.

Ka hadalka Madaxweyne Farmaajo xilligaan Kiiska Qalbi Dhagax, ayaa wuxuu tilmaamay inay muujinayso wax badan oo macno ah inaysan laheyn, maadaama xilli arinta ay taagneyd oo xasaasi aheyd uusan soo hadal qaadin.

“Madaxweyne Farmaajo inuu xilligaan ka hadlo qalbi Dhagax arintiisa waxa ay ila tahay waqtigeeda ma’ahan kolkii ay arinta taagneyd oo xasaasiyada ay laheyd wuu ka aamusay, sababtoo ah wuu ogaa hawsha sida ay noqon doonto.” Ayuu yiri Afhayeenka ONLF

Afhayeen Hirmooge ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee Cabdikariin Qalbi Dhagax oo uu tilmaamay inuu ku xanuunsanayo xabsi nabad sugidda Itoobiya maamulaan oo ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.