Muwaadin Somaliyed oo lagu dilay dalka Canada

0

Wiil Soomaali ah ayaa lagu dilay Magaalada Ottawa ee dalka Canada, wiilkan ayey maydkiisa ka heleen Booliska isaga oo gaari lagu dhex dilay.

Booliska ayaa magaca wiilkan ku sheegay Cigaal Daa’uud oo 30 jir ah,waxaana ay sheegeen in ay wadaan baaritaan la xiriira dilka wiilka Soomaaliga ah.

Booliska waxa ay sheegeen in maydka wiilka oo in ka badan 24 saac dhex yaallay gaariga Parkinka ku jiray ee lagu dhex dilay iyada oo aan illaa hadda la ogeyn cidda dishay.

Laanta Dambi Baarista ee Magaalada Ottawa ayaa sheegtay in baaritaan lagu haayo meydkan iyada oo sidoo kalena lagu daba jiro qolada dishay wiilka Soomaaliga ah.

Boolisku waxaa ay sheegeen in illaa hadda aysan kala garan in wiilka rasaasta lagula dhuftay isla goobta iyo in inta meel kale lagu soo dilay kaddibna gaariga lagu geeyay goobta laga helay ee Gaadiidka la dhigto.

Dalka Canada ayaa ka mid ah dalalka sida wayn loogu dilo muwaadiniinta Somaliyed ee ku nool dalkaasi, baaritaanada Booliska ay sameeyaan ayaanan badanaa wax natiijo ah ka soo bixin.