Madaxweynaha Hirshabelle Oo Kulan La Qaatay Safiirka Qadar Soomaaliya U Fadhiya

0

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan saacado qaatay LA yeeshay safiirka qadar u fadhiya soomaaliya Xasan Xamza.

Kulanka waxaa sidoo kale safiirka qeyb kala ahaa hay’ada qadar ee dhiseysa wadada isku xirta Muqdisho Iyo Jowhar,waxana kulanka lagu falanqeeyey qaabka loo dhisayo wadadaasi iyo sidii masharuucyo hore ay dowlada qadar uga hirgalin lahayd deegaanada uu ka arimiyo maamulka hirshabelle.

Madaxweyne waare ayaa dowlada qadar uga mahad celiyey kaalinta walaaltinimo ee ay ka qaadaneyso dib u soo kabashada soomaaliya

Safiirka dowlada qadar u fadhiya soomaaliya Xasan Xamza oo hadalka qaatay ayaa tilmaamay in ay sii wadi doonaan garab siinta dowlada dhexe iyo maamulada dalka ka jira,isagoo xusay in mashruucyo hor leh ay ka hirgalin donaan deegaanada maamulka hirshabelle.

Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiirka wasaarada qorsheynta maalgashiga iyo horuminta ee xukuumada fedraalka soomaaliya.