Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay Barnaamijka Waxbarashada Dadka Waa Weyn

0

Duqa magaalada muqdisho Eng C/raxmaan Cismaan Yariisow ayaa ka qeyb galay xaflad ka dhacday dagmada boondheere oo lagu daah furayey barnaamijka waxbarashada dadka waa weyn oo ah mid jahliga lagula dagaalamayo.

Munaasabada waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa gudoomiyayaasha dagmooyinka gobolka banaadir iyo xubno ka tirsan dowlada dhexe.

Gudoomiyaha gobolka banaadir Eng C/raxmaan cismaan yariisow oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in u jeedka barnaamijkan ay u bilaabeen uu yahay in ay uga faa’iideeyaan dadka aan nasiibka u yeelan waxbarashada aas aasiga ah.

Duqa muqdisho ayaa isagoo hadalkiisa sii wata tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in dadyowga caasimada Ku nool ay bartaan qorida iyo aqrinta afkooda hooyo.