Eng. Yarisow “ Waxaa naga go’an in aan dhisno Hay’adihii Dawladda Hoose ee u shaqeyn lahaa Bulshada ” (sawiro)

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa  dhagax-dhigay xarunta degmada Yaaqshiid oo dib-u-dayactir lagu sameynayo.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir ay ka go’an tahay dhismaha xarumaha dawladdaha Hoose ee Xamar, si loo fuliyo adeegyada loogu qabto bulshada Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in door kooda ay ka qaataan dhismaha xarumaha danta guud.

“Maamulka iyo Bulshadu haddii ay iskaashadaan waa ku guuleysan karaan Horumarinta degmada Yaaqshiid, waa in aad u istaagtaan ka qeyb galka dhismaha xarunta degmada, haddii aad dhisataan degmadiina waxaad tusaale u noqon doontaan degmooyinka kale ee gobolka”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha ayaa xusay in maamulka uu hoggaamiyo diyaar u yahay wax walba oo tabartooda ah si loo xaqiijiyo adeegyada ay baahida u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa sidoo kale, ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Maamulka gobolka, kan degmada iyo dadweyne kale oo dhammaantood boggaadiyey isku tashiga iyo diiranaanta shacabka ku nool degmada Yaaqshiid

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

Dhageyso”Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed”ilaa 5-Kun oo Soomaali ah ayaa weli ku dhiban Liibiya”
- Feb 18, 2018
Axmed Daahir C/kariin oo ah Gudoomiyaha Hay'ada Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey in ...
Ciidanka Asluubta oo u diyaar garoobaya xuska xiligii la aas aasay
- Feb 18, 2018
Qeybaha kala duwan ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa xiligan diyaar garow balaaran ugu jira ...
Wasaarada Waxbarashada Oo Ardayda Dhameysatay Waxbarashada Heerka Koowaad u Tababareysa Macalinimo
- Feb 18, 2018
Wasaarada Waxbarashada xukuumada fedraalka soomaaliya ayaa ka dhawaajisay in ardayda dhameysatay waxbarashada heerka koowaad ...
Shariif Xasan Sheekh Aaden Oo Magaalada Muqdisho Soo Gaaray
- Feb 18, 2018
Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo maalmihii ugu danbeeyey safaro dibadda ...
Wasaaradda Gaadiidka oo dar dargelineyso hirgelinta sharuucda gaadiidka
- Feb 18, 2018
Kulankan oo lagu soo bandhigayay shirciga lagu dhaqayo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan  oo ay ...