Dhageyso”Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Sheegay in ay bur buriyeen Idaacadii Shabaab Ee Anduluuz

0

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed Cabdulahi cali caanood oo warbaahinta LA hadlay ayaa xaqiijiyey in deegaanadii ay shalay kala wareegeen kooxda shabaab ay Ku bur buriyeen agab ay lahayd idaacadii afkooda Ku hadleysay ee Anduluuz taasoo ka taagneyd tuulada Mubaarak ee Gobolka shabeelaha hoose.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ayaa intaasi Ku daray in ay sidoo kale bur buriyeen gawaari ay ka buuxeen walxaha qarxa kuwaasoo maleeshiyadu rabtay in ay dadka shacabka ah ku dhibaateeyaan.