DHAGEYSO:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Sheegay In La Burburiyey Gaadiid Qaraxyo Waday Kuna Soo Wajahnaa Muqdisho

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay wehlinayeen ciidamo Cadaan ah waxa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegano ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo ay Gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkaas ay kula wareegeen deegaanada Mubaarak, Awdheegle iyo deegaano kale oo ay maamulayeen Al-Shabaab.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku burburiyeen laba Gaari oo qaraxyo ku rarnaa kuwaas oo uu sheegay in ay ku soo wajahnayeen Muqdisho.