Deg deg:Caruur khasaare ay ka soo gaaetay qarax miino oo caawa muqdisho ka dhacay

0

waxaa caawa magaalada muqdisho abaara maqribnimadii ka dhacay qarax qarax miino oo khasaare gaarsiiyey caruur darbi jiif ah

Qaraxan ayaa ka dhacay isgoyska Km4 waxana caruurtan xiliga ay miinadu Ku qarxeysay ay ku ciyaarayeen miinada,iyagoo aanan u laheyn wax qibrad ah.

Gadiidka gurmadka ee ambalance-yada ayaa gaaray goobta waxana ay meesha ka qaadeen caruurtii Ku geeriyootay walxahaasi qarax.

Soomaaliya in Ku siman 27 sano waxa ka socday dagaalo sokeeye iyo kuwa diimeed waxana fudud in dariiqyada laga helo hubka culus iyo kan fudud,waxana khasaaraha ugu badan ay ka soo gaaran caruurta oo aan iyagu aqoon durugsan u lahayn ama aan fahansaneyn waxyeelada hubkaas iyo walxaha qarxa