Ciidamada dowladda oo dib uga soo baxay deegaano Shabaab ay ka qabsadeen

0

Ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa dib uga soo laabtay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose oo ciidamada ay shalay gaareen, kana qabsadeen Ururka Al Shabaab.

Deeganada ciidanka ay dib uga soo laabteen, waxaa ka mid ah Awdheegle, Mubaarak, Farsooley iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Gobolka Shabellaha hoose C/fataax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Idaacada Risaala, ayaa wuxuu sheegay qorshaha ciidankaasi inuusan aheyn inay la wareegaan xarumo iyo deegaano Shabaab laga qabsado.

Wuxuu sheegay qorshaha inuu ahaa qaadista hawlgalkan iyo beegsiga Saldhigyada Ururka Al Shabaab si loogu soo laayo, kadibna ciidanka ay dib ugu soo laabtaan Saldhigyadii ay ka duulaan tageen.

Al Shabaab ayaa dhankooda sheegtay inay dib u qabsadeen deeganadii ay la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo kuwa Amisom ee ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.

Inta badan hawlgalada noocaan oo kale ah ee ay sameeyaan ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo kuwa Amisom, ayaa waxa uu yahay mid ay ku bartilmaameedsadaan Saldhigyada Shabaab, kadibna ay dib uga soo laabtaan.

Hawlgalada noocaan oo kale ah ayaanan laheyn ahmiyad badan, maadaama ciidanka ay dib ugu soo noqonayaan Saldhigyadii ay ka duulaan tageen, iyadoo Shabaabna ay ku sugnaanayeen goobihii ay joogeen.