Ciidamada dowladda oo dib uga soo baxay deegaano Shabaab ay ka qabsadeen

Ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa dib uga soo laabtay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose oo ciidamada ay shalay gaareen, kana qabsadeen Ururka Al Shabaab.

Deeganada ciidanka ay dib uga soo laabteen, waxaa ka mid ah Awdheegle, Mubaarak, Farsooley iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Gobolka Shabellaha hoose C/fataax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Idaacada Risaala, ayaa wuxuu sheegay qorshaha ciidankaasi inuusan aheyn inay la wareegaan xarumo iyo deegaano Shabaab laga qabsado.

Wuxuu sheegay qorshaha inuu ahaa qaadista hawlgalkan iyo beegsiga Saldhigyada Ururka Al Shabaab si loogu soo laayo, kadibna ciidanka ay dib ugu soo laabtaan Saldhigyadii ay ka duulaan tageen.

Al Shabaab ayaa dhankooda sheegtay inay dib u qabsadeen deeganadii ay la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo kuwa Amisom ee ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.

Inta badan hawlgalada noocaan oo kale ah ee ay sameeyaan ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo kuwa Amisom, ayaa waxa uu yahay mid ay ku bartilmaameedsadaan Saldhigyada Shabaab, kadibna ay dib uga soo laabtaan.

Hawlgalada noocaan oo kale ah ayaanan laheyn ahmiyad badan, maadaama ciidanka ay dib ugu soo noqonayaan Saldhigyadii ay ka duulaan tageen, iyadoo Shabaabna ay ku sugnaanayeen goobihii ay joogeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Maxamed nur says:

    Alshabaab mareekan iyo amisomba dan uguma jirto in dalka laga saaro foowdadaba iyagaa kawada dalka weligeyni waxaan maqalnaa waa laga qabsaday hadana waa laga baxay waa kuukuun aan dhamaad leheen dowlada iyada keligeeda oo ay kutashaneyso ciidan keedi yeeysan dhihin waxbaan kaxureynaa shabaab




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

Dhageyso”Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed”ilaa 5-Kun oo Soomaali ah ayaa weli ku dhiban Liibiya”
- Feb 18, 2018
Axmed Daahir C/kariin oo ah Gudoomiyaha Hay'ada Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey in ...
Ciidanka Asluubta oo u diyaar garoobaya xuska xiligii la aas aasay
- Feb 18, 2018
Qeybaha kala duwan ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa xiligan diyaar garow balaaran ugu jira ...
Wasaarada Waxbarashada Oo Ardayda Dhameysatay Waxbarashada Heerka Koowaad u Tababareysa Macalinimo
- Feb 18, 2018
Wasaarada Waxbarashada xukuumada fedraalka soomaaliya ayaa ka dhawaajisay in ardayda dhameysatay waxbarashada heerka koowaad ...
Shariif Xasan Sheekh Aaden Oo Magaalada Muqdisho Soo Gaaray
- Feb 18, 2018
Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo maalmihii ugu danbeeyey safaro dibadda ...
Wasaaradda Gaadiidka oo dar dargelineyso hirgelinta sharuucda gaadiidka
- Feb 18, 2018
Kulankan oo lagu soo bandhigayay shirciga lagu dhaqayo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan  oo ay ...