Caanood: Waxaan gubnay laba gaari qaraxyo ah oo Muqdisho loo soo waday

0

Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Somaliya Generaal C/laahi Cali Caanood, ayaa wuxuu sheegay ciidamada Danab Cutubkooda Afaraad hawlgal ay ka fuliyeen deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha hoose inay ku gubeen gaadiid qaraxyo siday.

Gaadiidkaan oo loo soo waday Magaalada Muqdisho sida uu sheegay Abaanduulaha ayaa ciidamada Danab ee Xoogga dalka Somaliya waxa ay ku gubeen deegaanka Mubaarak oo Shabaab ay ku diyaariyeen.

Caanood ayaa sidoo kale tilmaamay inay gubeen Idaacad Andalus faraceedii deegaanka Mubaarak, kadib markii ciidanka hawlgalka fulinaayay ay gudaha u galeen xarunta Idaacadaasi.

“Hawlgalkaasi waxaa lagu burburiyay Idaacad Shabaab ku lahaayeen tuulada Mubaarak, laba gaari oo qaraxyo ah oo markaasi dhaqaaq diyaar u soo ahaa.” Ayuu yiri Caanood.

Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Somaliya Generaal C/laahi Cali Caanood, ayaa sidoo kale sheegay ciidamada Xoogga dalka inay gacanta ku dhigeen Bakhaar qaraxyo ay ka buuxaan oo Shabaab ay maamulaan, kaasi oo ku yaalay deegaanka Mubaarak.

Ma cadda sheegashada Taliska ciidanka Xoogga dalka Somaliya inay tahay mid sax ah iyo in kale, balse Shabaab ayaanan si faah faahsan wali arintaan uga hadlin.