AKHRISO:- Qodobo hordhac ah oo ka soo baxay Wadahadaladii ONLF & Itoobiya

0

Waxaa soo gaba gabeeyey  wada hadaladii labada Garab ahaa oo tan iyo Darraad ka socday Magaaalada Nairobi labada Garab ayaa Dhammaan Isku Afgartay qodobadii oogu Mihiim sanaa ee Goobta Lagu Gorfeeyay Waxaana Laga wada Hadlay Arimaha Hoos Ku xusan.

Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya lagu soo gaba gabeeyay wadahadaladii mudada labada Maalin aheyd u socday Masuuliyiin kala metelayay dowladda Itoobiya iyo Jabhada hubeysan ee ONLF oo mudo wada dagaalamayay.

 

1: Awood qaybsi .
2: Afti.
3: dib u Dajin.
4: mustqabalka Ururka.

Iyo maxaabiista

1:Qodobka Koobaad ee awood qaybsiga ONLF waxay Dalbatay In wasiiro Lasiiyo halka Ergada mateleysay ay dalbadeen in waqti lasiiyo si ay ula laabtaan  masuuliyiintooda.

2: aftida ONLF waxay Cod satay in wakhti Loo Cayimo Aftida Waxaana Lagu qanciyay in Habka Dastuuriga ah loo Maro ONLF-na Dastuurka way qaadatay Mana Jirto Illaa Hadda Muddo loo cayimay Aftida laakiin sida uu Dastuurku qabo Aftida waa Laqaadi Karaa.

3: waxaa la isla qaatay In Dib u Dajin Loo sameeyo Dadkii ka barakacay dagaaladii dhacay eek u kala firdhisan duunka dacaladiisa.

4:Mustqbalka Ururku in uu noqdo Urur Siyaasi ah oo xaq u yeelanaya wax kasta oo uu Urur Siyaasi ah leeyahay.

5:Dhammaan waxa leysku racy in lasiidaayo Maxaabiist lakala heysto.