Sarkaal shabaab ka tirsanaa oo ciidamada dowlada ee Gedo isku dhiibay

0

Saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka gedo ayaa xaqiijiyey in maanta uu isku soo dhiibay ciidanka qaranka sarkaal sare oo shabaab ka tirsanaa muddo dheer.

Cabdi Cali Maxamuud oo ah taliyaha howlgalinta ciidanka gobolka gedo ayaa sheegay in sarkaalkan uu isku soo dhiibay ciidanka dowlada kuwooda Ku sugan dagmada baardheere.

Taliyaha ayaa intaasi Ku daray in sarkaalkan uu shabaab wakiil uga ahaa deegaanka Faxfax dhuun ee gobolka gedo waxana uu magaciisa Ku sheegay C/naasi.

Taliyaha ayaa ugu baaqay in ay isi soo dhiibaan dhalinyarada kale ee LA Marin habaabiyey,isagoo xusay in ay soo dhaweyn doonaan shaqsiyaadka ka tanaasula afkaarta guracan ee al shabaab.