Maxkamad Ku Taala Canada oo Dib u Dhagaysanaysa Dacwadd Loo Heysto Muwaadin Soomaliyed

0

Maxkamada Ku taala Wadanka Canada ayaa ku dhawaaqday in ay dib u dhagaysan doonto codsiga hakinta musaafurinta wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdul Cabdi oo ay kal hore maxkamadu ku xukuntay in soomaaliya lagu celiyo.

Qareenka u doodayay muwaadinkaasi Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Benjamin Perryman ayaa sheegay in si kmg ah loo hakiyey masaafurinta wiilkan dhalinyarada ah.

Wiilkan oo aan heysan dhalashada dalka canada ayaa lagu helay danbiyo kala duwan,waxana dowlada Canada ay u diiday in ay siiso dhalashada dalkaasi,iyagoo door bidaya in ay ku celiyaan dhulkiisa hooyo ee soomaaliya.

Cabdul Cabdi ayaa 5-sano oo xarig ah ku qaatay xabsi ku yaala dalka Canada,waxana kolkuu soo dhameystay xukunkaasi ay maxkamadu amartay in soomaaliya dib loogu celiyo,taasoo uu racfaan ka qaatay.