Madaxda Qaranka oo Casho Sharaf Loogu Sameeyey Magaalada Muqdisho (sawiro)

0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii la socday ayaa  ka qayb galay munaasabad casho sharaf ahayd oo gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cismaan ( Yariisow ) u sameeyey Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah DFS, Ra’isul wasaaraha Soomaaliya  iyo marti sharaf kale,casho sharaftaan oo ka dhacday xarunta dawladda hoose ee xamar ( EX UFFICIO GOVERNO  ) ayaa ahayd mid lagu soo dhaweynayey Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah DFS.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlay munaasabada kana jeediyey khudbad taariikhi ah ayaa ka hadlay  arimaha soomaaliya iyo waxyaabihii looga hadlay shirkii madasha amniga qaranka ee 10 bishaan lagu soo gabo-gabeeyey Muqdisho ayaa yiri , ” aad iyo aad ayaan uga mahadcelinaynaa cashadaan sharafta badan ee uu nagu casuumay saaxiibkay Cabdiraxmaan cumar cisman gudoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo intiina ka soo qayb gashay fanaaniinta murtida iyo madadaalada halkaan ka soo jeedisay , wax badan meeshaan ka oron maayo lkn waxaan ku faraxsanahay in aan caawa arkano fanaaniinteenii  Nakruuma iyo Hibo,  aragtidooda iyo imaatinkoodu wuxuu leeyahay dhadhan kaas oo ah xusuus  wanaagii dalkeenu lahaan jiray wayna ku mahadsan yihiin in ay dalka dib ugu soo laabtaan,dhanka kale waan garananaa sida ay u ekayd caasimada Soomaaliya wakhti hore wanaageedii iyo quruxdii ay lahayd, wajiga iyo quruxda guud ahaa Soomaaliya waa xamar haddii xamar hagaagtana dalka intiisa kale way hagaagasaa, yariisow wuxuu ka mid ahaa dadkii  ila soo shaqeeyey xiligii aan Ra’isul wasaaraha ahaa marka waxaan idinka codsanayaa in aad la shaqaysaan waa qof niyad wanaagsan, marka aad iyo aad baad u mahadsan tihiin cashadana waan ka mahad naqaynaa”.

Dhinaca kale dhammaan masuuliyiintii ka hadashay madasha ayaa ka hadlay qorshaha xasilinta amniga  guud ahaa Soomaaliya iyo sida lagu gaari karo  waxay madaxdu sheegeen in is afgarad iyo isu soo dhawaansho la dareemayo ayna madaxda Dawladaha xubnaha ka ah DFS ku heshiiyeen in ay  si fiican ula shaqeeyaan Dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre oo khudbad ka jeediyey casho sharafta ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in madaxda Dawladaha xubnaha ka ah DFS ay ayagu horseed u yihiin hormarka iyo ka talo bixinta arimaha masiiriga ah ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in hadda la dareemayo isu soo dhawaansho iyo wadashaqayn fiican, wuxuu xusay in sanadkaan 2018 uu muhiim u yahay ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  ku dhiirigaliyey  gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho in uu ka shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa  bilicdii iyo quruxdii caasumadu lahan jirtay barisamaadkii.