DHAGEYSO:-Madaxweynaha puntland oo ka hadlay arin lawada sugayay oo muhiim ah

0

Madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii la socday ayaa ka qayb galay munaasabad casho sharaf ahayd oo gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cismaan ( Yariisow ) u sameeyey Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah DFS, Ra’isul wasaaraha Soomaaliya  iyo marti sharaf kale,casho sharaftaan oo ka dhacday xarunta dawladda hoose ee xamar ( EX UFFICIO GOVERNO  ) ayaa ahayd mid lagu soo dhaweynayey Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah DFS.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlay munaasabada kana jeediyey khudbad taariikhi ah ayaa ka hadlay  arimaha soomaaliya iyo waxyaabihii looga hadlay shirkii madasha amniga qaranka ee 10 bishaan lagu soo gabo-gabeeyey Muqdisho ayaa guul ku tilmaamay wixii kasoo baxay.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  ku dhiirigaliyey  gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho in uu ka shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa  bilicdii iyo quruxdii caasumadu lahan jirtay barisamaadkii.