Wasiirka Dastuurka Oo Gaaray Magaalada Garoowe

0

Wasiiirka arimaha dastuurka xukuumada soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa maanta gaaray magaalada garoowe oo xarun u ah maamulka puntland.

Safarka waxaa wasiirka Ku wehlinayey xubno ka tirsan gudiga dib u eegista arimaha dastuurka iyo xubno kale oo muhiim u ah meel marinta arimaha dastuurka LA xariiira.

Wafdiga wasiirka waxaa garoonka garoowe si diiran ugu soo dhaweeyey xubno uu horkacayo wasiirka arimaha dastuurka ee dowlada goboleedka puntland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Safarka wasiirka dastuurka uu Ku tagay garoowe ayaa imanaya xili xalay warmurtiyeedkii ka soo baxay shirka golaha amniga lagu sheegay in sanadkan 2018-ka lagu soo af meero howlaha Ku aadan dastuurka qabyo qoraalka ah.