Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo U bixitimay Jabuuti

0

Waxaa maanta magaalada baydhaba ka ambabaxay wafdi balaaran oo uu hogaminayey madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Sharif Xasan sheekh aaden.

Wafdigan ayaa Ku sii jeeday dalka jabuuti halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin madax ka socota dalalka caalamka.

Madaxweyne Sharif Xasan ayaa sidoo kale booqasho Ku tagi doono maalmaha fooda inagu soo haayo dalal ka tirsan afrika oo uu kala hadli doono qaabkii loo horumarin lahaa maamulka uu hogaamiyo.

Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed ayaa mudooyinkaan waday dadaalo sare loogu qaadayo deegaanada uu ka arimyo isla markaana mashaariic hor leh looga hirgalin lahaa.