Dhagayso:- Wafdi kasocday DFS Oo Gaaray Degmada Burtinle Ee Gobolka Nugaal

0

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiir Dawlaha wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa gaaray Degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

 

Wafdiga Wasiir Dowlaha ayaa Degmada Burtinle waxaa ku soo Dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka degmada Buurtinle Nuuradiin C/qaadir Ismaaciil wuxuuna sheegay inay si weyn u soo Dhawaynayaan ayna ku faraxsanyihiin imaanshaha wafdigan Degmada Buurtinle.

Sidoo kale C/raxmaan Cabdule Jaabur wasiir dawlaha wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ahna Xildhibaan Aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu kulamo la qaadan Doon Bulshada degmada Buurtinle muddana uu joogayo Degmada.

Hoos kadhagayso  Codka Wasiir Dowlaha .