DEG DEG: Kooxo Hubeysan oo askari Ku Dilay Muqdisho

0

Dabley Bistoolado ku hubeysan ayaa daqiiqado ka hor isgoyska sanca ee dagmada kaaraan ku dilay askari ka tirsan ciidamada dowlada soomaaliya.

Askarigan ayaa xiligii la dilayey ku howlanaa xaqiijinta amniga isgoyskaasi sanca,waxana kooxihii dilay ay rasaasta kaga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa.

Maleeshiyadii falkaasi ka danbeysay ayaa goobta isaga cararay,waxana daqiiqado kooban kadib isgoyska sanca soo gaaray ciidamada ka tirsan dowlada fedraalka soomaaliya.

Maalmihii ugu danbeeyey magaalada muqdisho waxaa ku soo badanayey dilalka loo gaysanayo askarta ka trisan dowlada iyo howl wadeenada kale ee u shaqeeya wasaaradaha kala duwan ee dowlada soomaaliya,waxana dilalkan inta badan masuuliyadooda sheegta Kooxda Al shabaab.