Dabaal daga Xuska Maalinta Ciidamada Bada Soomaaliya Oo Muqdsho ka socota iyo Taliye Gorod Oo Hambalyo Udiray Ciidamada

0

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod ayaa u hambalyeyey  Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo Maalinta barri u dabaal degaya Sanadguurada 53aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ah  10-02-1965-kii.

 

“Waxaan u Hambalyeynayaa  Admiraalada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Sanadguurada 53aad ee Ciidanka badda ku beegan” ayuu yiri S/guud Bashiir

Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa si la aas-aasay 10-kii bishii February sanadkii 1965-ki, waxaana Munaasabad barri ay ku xusayaan sanadguuradooda la filayaa inay ka qeyb geli doonaan Madaxda sare ee dalka iyo Saraakiisha Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed.