Faah :Faahin :-Weerarkii Qorshaysnaa Ee Xalay lagu Qaaday Saldhiga Bartamaha Bosaaso

0

Uguyaraan Afar Askari oo uu kujiro Taliye kuxigeenkii Saldhiga Bartamaha ee Magaalada Bosaso ayaa  ku dhaawacmay Weerar xalay lagu qaaday saldhiga Bartamaha Bosaaso oo ay ku xiran yihiin Maxaabiis uxinayd falaal laxirira in ay ka midyihiin Al-shabaab.

Dhaawaca Askartan ayaa lagu dabiibayaa saaka Ibitaalka Wayn ee Magaalada Bosaaso.

Taliyaha Saldhiga Bartamaha Yuusuf Axmed ayaa IdilNews.com Usheefay in xaalada Askarta ay soo hagaagayso ayna wanaagsan yihiin .

Al-shabaab ayaa sheegatay Mas,uuliyada Weerarkan , waxayna ay Sheegeen in ay Fuliyeen Guuto ka tirsan kooxdooda.

Ciidamada Amniga ee Magaalada Bosaaso ayaa saaka Howlgalo ka Bilaabay Xaafadaha ay magaalada ka koobantahay  Howlaglkan oo ah Mid ay ku badi goobayaan Ragii xalay weerarka ku soo qaaday Saldhiga Bartamaha ee Magaalada Bosaaso.