DHAGEYSO:-Dad Loo Qabtay Dilka Gudoomiyihii Hore Ee Buule Buulo-Burde

0

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen eedaysanayaal lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilkii Gudoomiyihii hore ee Degmada Buule barde ee Gobolka Hiiraan hadana ka mid ahaa Culimadda Magaalada Baladweyne.

 

Taliye Isaaq Cali Cabdulle ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in hada ay gacanta ku hayaan ilaa Afar ruux oo loo haysto falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalkaasi.