Dhagayso:- Cali khaliif “Cadowga Ugu Wayn ee Khaatumo ay leedahay Waa Reer Sool iyo Sanaag

0

Madaxweynihii hogaaminaayay Maamulkii Bur buray ee Khaatumo Cali khaliif Galayr oo ubaxsaday dalka Maraykanka kadib markii uu ku Fashilmay Heshiiskii uu xilka kaga raadsanaayay Maamulak Muuse Biixi Ayaa isagoo ku sugan dalka Maraykanka waxa uu Afalagadi iyo Dhaleeceen ujeediyay Isimada dhaqanka ee Beesha dhulmahante Isagoona isugu daray Habaar iyo  Cayn

Waxa uu sheegay in Cadowga ugu wayn ee ay leedaha Khaatumo ay yihii dadka ku nool Sool iyo Sanaag gaar ahaa Beesha dhulbahante Oo uu ku sheegay in ay yihiin Caado qaatayaal.

 

Waxa uu sheegay Galayr in Isimada dhaqanka ee  Beesha Dhulbahante ay Puntland ka qaataan Mushahar dhan 20 kun oo Doolar ,Waxa uu sidookale uu sheegay in Todobo kamid aha Isimada Dhulbahante oo ku sugan Magaalada Garoowe ay Soomaaliland ka Qaataan lacag dhan 2 kun oo doolar.

 

Waxa uu  yiri” waxa ay rabto khaatumo  oo ay hiigsanayso  Majeerteen iyo isaaq uga biqimayso ee Ilaahow Dhulbahante khaatumo ka badbaadi oo Dhulbahante liita khaatumo ka bad baadi Ayuu yir Cali khaliif Galayr.

Hoos ka Dhagayso  Codkiisa.