AKHRISO:-Maamulka Galmudug Oo Heshiis Dhex Dhigay Beelo Ku Dagaalamay Gobolka Galgaduud

0

Tuulooyin hoostaga degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa horay ugu wada dagaalamay laba maleeshiyo beeleed dagaalkaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa dagaalkaas soo kala dhex galay waxaana todobaadkaan degmada Balanballe taalay gogol Nabadeed oo ay ka qeyb galayeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Maanta ayaa la filayaa in shirarkii Nabadeed la soo gaba gabeeyo isla markaana Waxgarad ka socda laba beelood ay heshiis kala saxiixdaan.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa shalay gelinkii dambe ee gaaray balanbale waxa uuna Maanta Goobjoog ka noqon doonaa gaba gabada heshiiska ay kala saxiixan doonaan Beelaha ku dagaalamay tuulooyin hoostaga Balanballe.

Deegaanka Oodaale oo duleedka ka ah degmada Balanballe ayay ka dahceyn dagaalada ugu badan,waxna isaga barakacay dadkii deganaa iyaga oo ka cabsi qabay in uu saameyn ku yeesho dagaalkaas.