Akhriso:-Labo Qarax Cusub oo ka dhacay Magaalada Boosaaso

0

Iyadoo Xalay magaalada Boosaaso uu ka dhacay Qarax ismiidamin ah iyo weerar xigay ayaa sakaa markale waxaa ka dhacay labo qarax oo kale.

Qaraxyadan ayaa ka dhacay Agagaarka Masjidka Raxma oo u dhow Shirkadii hore ee Koronta Nedco ee magaalada Boosaaso.

Ciidamada Amaanka ee gobolka Bari ayaa la wareegay goobta markii uu dhacay Qaraxii koowaad intii ay dadka ka celinayeen ayaa qarax labaad ka dhacay isla meeshii uu kii hore ka dhacay ilaa hadana ma jirto waxyeelo warbaahinta lala wadaagay oo ka dhacday goobtaasi.

Magaalada Boosaaso ayaa ilaa xalay waxaa ka dhacayey Qaraxyo iyadoo aysan dawladu ka hadlin waxyeelada Qaraxyadaasi marka laga yimaado Dhawaca 3 Askari.

Ciidamada Amaanka ee gobolka Bari ayaa Horay u wadday hawlgalo lagu xaqiijinayo Amniga gobolka kuwaasoo lagu soo qab qabtay Dad shacabka in kabadan 7 Dhalinyaro ah ayaa loo qabtay qaraxyadii ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalada Boosaaso.