Shirka Amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmay

0

Waxa Xarunta Madaxtooyada Dowlada Federaalka Soomaaliya ka furmay Shirka Golaha Amniga qaranka kaas oo u dhaxeeya Dowlada Dhexe iyo Madaxda Maamul Goboledyada Dalka ka Jira.

Shirkaan ayaa waxa Shir Guddoominaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/Laahi Famaajo,waxaana Shirka ka qeyb galaya Madaxda Maamul Goboledyda Dalka Jira,Shirkaan ayaa diirada lagu saaraya Arrimaha Amniga Dalka,iyo wixii u qabsoomay intii u dhaxeeysay Shirkii kan ka horeeyay.

Shirkaan ayaa la sheegay Ajandaha diirada lagu saari doono in uu yahay Amniga Qaranka Dalk,iyo sidii wax looga qaban lahaa .

Sidoo kale Shirka ayaa waxa ka qeyb galaya Wasiiro,iyo Xildhibaano labada Gole ee Dowlada ka tirsan ,waxaana sidoo kale Shirka ka qeyb galaya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho C/Raxmaan Yarisoow,kaas oo matala Gobolka Banaadir.

Dhanka kale Shirka ayaa waxa socon doona Mudo labo Maalin ah,waxaana la filaya in ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah oo Amniga Quseeya.