Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay shirka amniga Qaranka (sawiro)

0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  Muqdisho uga qayb galay shirka amniga qaranka oo maanta ka furmay xarruunta madaxtooyada Soomaaliya, shirlkaas ay ayaguna ka soo qayg galay Madaxda Dawladdaha xubnaha ka ah DFS Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isl wasaaraha dalka, taliyayaasha ciidanka iyo masuuliyiin kale.

Shirkaan oo ah kii saddexaad oo ay yeeshaan madaxda Dawladda DFS iyo Dawladdaha xubnaha ka ah, ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda Amniga Soomaaliya iyo sidii loo abuuri lahaa ciidan xoogan oo ka hawl gala Soomaaliya.

Dhinaca kale Shirka amniga qaranku waa madal ay ku kulmaan madaxda Dawladda Faderalka ah iyo Dawladdaha xubnaha ka ah, waxaa inta badan xoogga lagu saaraa arimaha amniga iyo xasilinta Soomaaliya, iyo sidoo kale qaabaynta siyaasadda Soomaaliya, iyo sidii dhabaha iyo nabadda hormarinta loogu ridi lahaa Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kulankii maanta ay yeesheen madaxda Dawladdaha xubanaha ka ah DFS iyo madaxda Dawladda Faderalka ah Soomaaliya ka jeediyey Khudbad taariikhi ayaa sheegay sidda ay mahuraanka u tahay in dhidibada loo taago ciidamada xooga dalka Soomaaliya, si lo adkeeyo amniga iyo xuduudaha Soomaaliya, isla markaana tilmaamay haddii la rabbo in la helo Soomaaliya Adag oo ah dal dhisan, xudduudihiisuna sugan yihiin, in ay l;agama maarmaan tahay in la dhiso hay’adaha kala duwan ee dawligga ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in madaxda qaranka Soomaaliya, looga baahan yahay in si feejigan u abaaraan dhismaha ciiidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyagoo oo dadaal koodoo dhan iskugu gaynaya sidii shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad iyo nolol, si ay u helaan kalsooni buuxda oo ay ku maareeyaan noloshooda.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas inta uu joogoy muqdisho wuxuu kulamo gaar gaar ah la qaadanayey Madaxda Dawladda DF Soomaaliya iyo Dawladdaha xubnaha ka ah , asagoo kala hadlayey xaladda amniga Dalka, iyo iskaashiga buuxa looga samayn lahaa Hormarinta Soomaaliya.