DHAGEYSO:-Wasiirka Cadaalada Puntland oo Garowe kaga dhawaaqay go’aan culus

0

Wasiirka Cadaalladda iyo Arrimaha Diinta Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac ayaa ugu baaqay Xukuumadda Soomaaliya inay wax ka qabato cabasho xoogan oo ka jirta qiimaha Soomaalidu sanadkii ku aadan gudashada waajibaadka xajka oo ah kan ugu qaalisan adduunka, wuxuuna ku eedeeyay arrintaas shirkadda Jubba Airways inay sabab u tahay sarre u kaca qiimaha xajka oo qofkiiba laga qaato lacag gaareysa $ 4,000 ( Afar kun oo dollar).