Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa ka warbixiyey nin Itoobiyaan ah oo lagu dilay Magaalada Bosaso, dilkaasi oo uu geystay Askeri ka tirsan Ciidanka Puntland.
sare Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in dilka ninkaasi uu yimid kadib markii uu ka istaagi waayey Askeri ka tirsanaa Ciinka ilaada hay’adaha ka howl gala Puntland ee SPU-da sidaasina uu ku dhacay shilkaasi.
Waxa uu intaasi ku daray Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Gashaanle sare Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in Ciidanka ay wadaan baaritaan ku aadan shilka, isagoo xusay in meydka ninkaasi laga helay bastool.