DHAGEYSO:-Dadkii ka Qaxay Colaadii Tukaraq oo Hay,adihii Diideen inay Kaalmo Gaarsiiyaan.

0

Gudooomiyaha Degmada Boocame ee gobolka Sool Xayle Xassan Shire ayaa sheegay inay degmadaasi soo gaareen 50 Qoys kuwaasoo xiligan la nool dad eheladooda ah.

Gudoomiyaha ayaa sheeegay inay haysato dadkaasi Duruufo kaladuwan oo ay kamid tahay Cunno xumo iyo Kaalmo Bini Aadanimo oo ay u baahanyihiin.

Gudoomiyaha Xayle ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay dhowr jeer ugu qaylo dhaamiyeen hay,adaha sidii wax loo tari lahaa dadka ku dhibaataysan gudaha degmadaasi taasoo caqabad ay ka timid.

Xayle Xassan Shire gudoomiyaha degmada Boocame ayaa wuxuu carabka ku dhuftay inay Gabi,ahaanba ay diideen Hay,aduhu inay dadkaasi wax taraan isagoo sheegay inay ku mar-Marsoonayaan Cabsi ka jirta degmada iyo deegaaneedada sida uu sheegay gudoomiyaha taasoo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay.