Itoobiya oo ciidamo u tababartay jubbaland iyo Dowladda soomaaliya (sawiro)

0

Dowladda Ethopia ayaa u tababartay maamul Goboleedka Jubaland iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ciidamo.

 

Tiro ahaan Ciidamadda  la tababaray ayaa gaaraya 150 askari waxaana la  sheegay inay hoos tagayaan dowladda Dhexe ee Soomaliya.

 

Tababarka  intuu socday ayaa Ciidamadaan la baray toogashada shiishka sare iyo howlgallada gaarka ah sida loo fuliyo.

 

Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya Jen. Ismaaciil Saxardiid oo munaasibadda tababarka ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamadaas la baray sida loo toogto waxa uu ku sheegay caddowga islamarkaana ay tababarka bixiyeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Jubaland.

 

Dhanka kale Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka qeybta 43aad Cismaan Axmed Aadan, ayaa isna sheegay in tababarkan uu Ciidamada dowladda ka saacidayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

 

Ciidamadaan waxaaay ka mid noqonayaan kuwa dowladda Federaalka ah ee qeybta 43aad ee Gobolka Jubada hoose.