Ku Dhawaad 100 ruux oo u badanTahriibayaal u dhashay Pakistan oo ku geeriyoday Badda Libiya

0

Wararka laga helaya Dalka Liibiya ayaa sheegaya in Ku dhowaad 100 uux  ruux Tahriibayaal ah ay ku dhinteen Xeebaha Dalkaasi Liibiya, kaddib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay Badda gelinkii hore ee jimcihii.

War ay soo saartay Hey’adda IOM ayaa lagu sheegay  in illaa iyo hada 3 ruux laga soo badbaadiyay doonida ku degtay xeebaha ee ay la socdeen Tahriibayaasha.

 

Mid ka mid ah dadka la soo bad baadiyay ayaa sheegay in dadka Tahriibayaasha ee la socday doonta ay u badnaayeen Pakistan-yiin, kuwaasoo doonayay inay gaaraan dalka Talyaaniga.

Waxaa soconaya dadaalo lagu badigoobayo dadka weli lagu la’yahay badda, midteraniamka oo isku xirta Afrika iyo Qaaradda Yurub.

Dadka Tahriibayaasha oo ka baxaya wadamada Afrika ayaa marin u ah dalka Libiya, iyagoo Badda Meditarean-ka uga sii gudba Talyaaniga, waxaana Libiya ka jira is adoonsi lagula kaco dadka tahriibayaasha, waxaana laga qaataa lacag madax furasho ah.