Xildhibaanada golaha deeganka hargeysa oo saxeexay mooshin ay xilka kaga qaadayaan cabdiraxmaan solteco

0

Xildhibaanada golaha deeganka magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyey ay wadeen saxeexa mooshin ay xilka kaga qadayaan Duqa Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Solteco .

 

Qaar ka mid ah xildhibaanada saxeexay Mooshinkan Ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey jiritaanka warkan waxaa ay sidoo kale ay sheegeen in xildhibaanada mooshinkan saxeexay ay tiradoodu tahay dhawr iyo toban xildhibaan .
Sidoo kale xildhibaan mooshinkan saxeexay ayaa waxaa la sheegayaa in ay duqa ku eedeynayaan Arimo musuq maasuq oo soo baxayay bilhii danbe

Dhawaan ayey aheyd markii xoghayihii hore ee golaha deganka Hargeysa uu musuq maasuq ku eedeyey C.raxmaan Solteco duqa caasimada soomaaliland ee hargaysa