Shabaab oo xukun dil ah ka fuliyay gobolka Baay

0

Maxkamada Al Shabaab, ayaa xukun dil ah waxa ay ku fulisay nin lagu eedeeyay horay inuu  dil uga gaystay degaanka Iidaalle ee duleedka Magaalada Baydhabo.

Ehelada marxuumadda horay loo dilay, ayaa waxa ay dalbadeen in loo qisaaso dilka Marxuumadda, waxaana sidaasi awgeed maxkamada Shabaab ay fulisay xukunka dilka ah sidda ay sheegeen Al-Shabaab.

Ninka dilka gaystay ayaa lagu magacaabi jiray Aaden Ibraahim Aaden kaasi oo la sheegay inuu dilay Haweenay lagu magacaabi jiray Muumino Macallim

Al-Shabaab ayaa inta badan fuliya Xukuno kala duwan oo ay ku riddaan dadka ay ku eedeeyaan in ay geysteen falalka dilalka iyo Kufsiga.