DHAGEYSO:-Generaal Subagle”AMISOM Soomaaaliya kama baxayso inta la dalka laga saarayo Alshabaab”

1

General Cismaan Nuur Subagle Taliyaha Ciidamada AMISOM ee howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya  ayaa faah faahiyay qorshaha Amisom ee ka bixitaanka Soomaaliya iyo Guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Waxa sheegay in ay wadashaqeyn wanaagsani ka dhaxeyso Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya taasina ay u suurto galisay in deegaano farabadan kala wareegaan Shabaab.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in MISOM aysan Soomaaliya ka bixi doonin ilaa intalaga helayo Ciidamo u diyaarsan in ay kala wareegaan Amniga.

Comments are closed.