Deg:Deg: Ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Soomaaliland Oo Saaka ku dagaalamay Tukaraq

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay saaka is rasaaseen dhaxmartay Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Maamulka Puntland.

Wararka ay helayso Allgalgaduud .com ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan Maamu Puntland saaka ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisin Ciidamada Soomaaliland ay kulahaayeen Deegaanka Tukaraq ,waxaana lasoo sheegaya in uusan jirin ilaa iyo hada wax khasaare ah oo dagaalkaasi ka dhashay .

Puntland iyo Soomaaliland ayaa maalmahan isku horfadhiyay duleedka Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool halkaas oo ay dhawaan lawareegeen Ciidamada Soomaaliland.