Qaramada midoobay ayaa sheegay in cuni xoogan ay ka taagan tahay dalalka Nigeria,suudaanta koofureed,yemen iyo Soomaaliya,iyadoo dad lagu qiyaasay ilaa iyo 30 milyan oo ruux ay u baahan yihiin gargaar bani,aadinimo.
Xafiiska isku xirka howl gargaar qaramada midoobay ee UNOCHA ayaa tilmaamay in 20 milyan oo ka mid ah tiradaasi ay u baahan yihiin in ay helaan gargaar bani,aadinimo oo deg deg ah.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in dadka ku nool afartaasi dal ay saameyn daran ku yeesheen abaaro iyo colaado xoogan oo ka jirta,iyadoo wax soo saarka dhinacyada iyo beeraha ay si weyn hoos ugu dhaceen.
Hay,adaha gargaarka gaar ahaan kuwa qaramada midoobay ayaa sannadkii hore dalbaday lacag gaaraysa 4.9 bilyan oo dollar si wax loogu qabto dhibaatooyinka bani,aadinimo ee ka taagan dalalkaasi.
Xafiiska UNOCHA ee somaliya ayaa dalbaday lacag dhan 1.6 bilyan oo dollar si gargaar loogu gaarsiiyo ilaa 5.5 milyan oo Soomaali ah oo soo food saartay cuni ba,an.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in sannadkan 2018 ayaa lacag cabsi qabo in ay yaraadaan roobabka xilliga gu,ga ee somaliya taasoo keeni karto musiibo bani,aadimo oo hor leh
Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka