Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu wadaa in Maalinta Berito ah lagu qabto doorashada Kursiga xildhibaanimo ee uu waayay Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo ahaa taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya.
Gudiga doorashooyinka Qaran ayaa horay u soo banhigay shuruudaha looga baahan yahay Shaqsiga u tartamaya Xubinta xildhibaanimo oo ay u tartami doonaan dad ka soo jeeda Beesha Xawaadle gaar ahaan Cali Madaxweyne.