Waxaa la filayaa in Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ay ka dhacdo doorashada Kursiga Xildhibaanimo ee uu waayay Taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Doorashada Kursigaas ayaa waxaa ku tartami doono lix Xubnood oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii Hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Hoos ka dhageyso codka Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey)