AKHRISO:- Madaxweynaha soomaaliya oo Gaadhay Magaalada Addis Ababa

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa, halkaas oo maalinta berri ah uu  ka furmi doono Shir Madaxeedka Midowga Afrika.

Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, waxaana sanadkaan looga hadli doonaa xoojinta dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa oo ay hoggaamiyeyaasha Afrika si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.

Waxaa la filanay inta uu ku sugan yahay madasha shirkaasi madaxweynaha soomaaliya in uu kulamo la yeesho madaxda hoggaamiyaasha dalalka Afrika.