FAALLO:- Safarkii Madaxweyne Farmaajo maxaa laga dhaxlay?

SAFARKII DHULKA EE MD Farmaajo wuxuu qaatay 18 Maalmood (7-24 Jan 2018). Safarkaan waxaa lagu dhoobay magacyo kaladuwan oo dhowr ah, balse Bulshada Soomaaliyeed inteeda badan waxay ugu yeeraan “Safarkii Samo-wade”. Tani waxay tilmaan u tahay sida bulshadu ay u arkeysey Safarka MD farmaajo.

Hadaba waxaan halkaan kusoo koobayaa waxyaabihii iigula muhiimsanaa ee ka dhashey safarka madaxweynaha, gaar ahaanna dhinacyada;

Bulshada.
Siyaasadda
Amniga
Dib-u-heshiisiinta
Maamulka
Horumarka & Kaabayasha dhaqaalaha.
1-Bulshada;

Arrimaha Bulshada safarka madaxweynuha waxaa looga faa’iideystay waxyabo aad u badan mihiimna u ahaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana kuwa ku nool deeganada uu MD-weynuhu safarka ku marayey.

Inkasta oo ay jirikaraan waxyaabo iga dahsoonaa ama aan hilmaamey iyo kuwo aan toos loo shaacin waxtarna u noqonkara dadyoowgaas, hadana inta aan xasuusto waxaa ugu haldoorsanaa;

▪Kalsoonida shacabku ay ku qabikaraan dowladooda ayaa sare loo qaaday, waxayna dadku dareemeen iney talada wax ku leeyihiin, aragtidoodana ay xukumaddu dhageysaneyso. Tani waxay u muuqataa iney ka dhalatay wadatashiyo iyo kulamo talo-wadaag ahaa oo uu Madaxweyne farmaajo la yeeshay Bulshada qeybaheeda kaladuwan, gaar ahaana wakiilada iyo hogaamiyeyaasha bulshada rayidka ah.

▪Ogaalka tirada & tayada shacabka: Maadaama uu safarka Madaxweynuhu ahaa midkii noocaas oo kale ahaa ee uu ku dhiirado Madaxweyne Soomaaliyeed wixii ka dambeeyey dowladdii dhexe ee dalka, waxa yaraa xog’ogaalnimada ay dowladdu u lahaankartey tirada iyo baaxadda dadka deegaanadas ku dhaqan iyo waliba Tayadooda Bulsho ee dhanka waxqabdka, dowladnimo javeylka iyo iskutashi ee xagga nolosha iyo hurumarka.
Hadaba safarka MD farmaajo wuxu daaha ka rogay Muuqaal weyn oo aan horey si rasmi ah dadbadan aysan u haysan, waxana soo ifbaxday Tiro ballaran oo bulsho iney fadhiso goboladaas la booqday.

Magaaloyinka sida la yaabka leh lagala kulmay tirada bulsho ee soo jiidatay indhaha Caalamka iyo kan xukumaddaba waxaa kabmid ahaa magaaloyinka;

–Caabudwaaq.
-Balamballe
-Guriceel
-Qardho
-Dhusamareen iwm.

▪Iskuxirka shacabka & xukumada; Waxa si aan shaki kujirin loowada ogyahay in isku-xirnaan la’aani ka dhex jirtey Shacabka iyo xukumadaha Soomaaliya intii ay meesha kabaxday Xumuadda dhexe ee burburtay 1991-kii.

Hasayeeshee wixii ka dambeeyey xukumaddii Soomaaliya loosoo unkey sanadkii 2004-kii, waxaa si aan heshiis bulsho aheyn loogu dhaqmaayey nidaamka Federaalka. Waxana macaamil toos ah wadayeeshay dowlad goboleedyada iyo bulshada deegankaas ku noolaa.
Taasina waxay sii yareeysay xiriirkii ka dhexjiri lahaa shacabka iyo dowladooda dhexe.

Hadaba safarka MD farmaajo wuxu u muuqdey mid ku guuleystay inuu ka gudbo xariiqdaas. Waxana curtay xiriir dhow oo u bilowday labada dhan!

2-Siyaasadda:

¤ Arimaha dibadda; kadib doorashadii 8dii Feberaayo 2017 ee Madaxweyne Farmaajo, biloowgiiba, Siyaasadda dibadda ee xukumadda waxaa ku milmay saameyn qaawan oo dhinacyo Istaraatijiyadeed, Dhaqaale iyo mid Siyaasaded, kuwaas oo marrar badan gilgilay xasiloonida iyo hor-usocodka Xukumadda.

Saameynta arimahas waxaa ka dhashay kala argti duwanaasho arrimaha qaar ku dhexmaray dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka & Xukumada talada haysa. Arintii Bariga dhexe (Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka iyo Masar);ayaa aheyd midda saameynta ugu weyn ku lahayd arimaha Siyaasadda dalka. Dadaalo diblumaasiyadeed oo dowladdu la timid ayaa hoos u dhigay xawligii ismaandhaaf ee dhinacyada ka dhexeeyey.

Sikastaba hanoqotee, safarka MD farmaajo wuxuu abuuray aragti kaduwan middi ay dad badani haysteen, Waxana culeysyo lama filaan ah la saaray siyaasiyiin loo arkayey iney xirrir-dhow la leeyihiin dowlado muran siyaasaded kala dhaxeeyey Soomaaliya. Dareen ka dhex dhashay safarka MDweynaha ayaa sababey in beesha caalamku garwaaqsato Taageerada shacabku ay u hayaan dowladooda. Waxayna taas loo filayaa iney wax weyn ka badasho sidii Beesha caalamka iyo dowladha kale u wajihi lahaayeen arimaha dowladda Farmaajo.

Waxaana xusid mudan, QM ayaa warxixin ay ka soo saartay Soomaaliya ku xustay iney dareemayso Muuqaal iyo jawi isku kalsoonan la taabankaro leh oo dowladda soomaliya ka kasbatey shacabkeeda.

¤ Siyaasadda gudaha; Waxaa muuqata in Safarkani uu abuuray horseedna u noqday isfaham iyo xirrir-wagaan wadatashi ku dhisan oo dhexmara Dowladda dhxe iyo dowlaha xubnahaka ah federaalka. Kalsoonida labadaas dhinacna waxaya yareysay hankii iyo damac gaar ahaaned oo ay siyaasiyiin mucaarad ka dhex lahayeen arimaha siyaasdda dalka. Waxaa dhiirigelin iyo baraarug weyn ka helay shacbi farobadan oo Soomaaliyeed kuwaaso kala jooga gudaha iyo dibadda dalkeena.

¤ Xirirka D/goboledyada; Safarka MD farmajo wuxuu hormariyey xiriirka dowlada federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka. Dhanka kalena waxaa uu shaki geliyey sii jiritaanka madashii iskaashiga ee dhawantan ay maamuladaani ku sameysteen Kismaayo.

3-Amniga

MD farmaajo intuu kugudo jirey safarkiisa waxa uu xaqiijiyey in guulo la taabankaro laga gaaro horumarinta Amniga ee deegaamadas la booqday. Waxaana mudan in halkaan lagu soo qaato waxyaabha ay kamidka yihiin

° Mideynta ciidamada gaarka ah ee Amniga Gaalkacyo, kuwaasoo loo sameeyey hal hoggaan (Taliye), kana amarqaata dowladda dhexe.

° Iskudhafka maleeshiyadkii isku horfadhiyey magaalada Caabudwaaq

° Isku socodka bulshada iyo Ganacsiga magaaloyonkaas oo dadku dib u heleen, kadib amrkii talaabooyinkas amniga la qaaday!

° Dhismaha Xabsiga B/geelle ee waqooyoga Galguduud, kaasoo inbadan oo dadka amniga taxliiliya ahi ay ku shegeen inuu yahay halboowle amniga
ka maqnaa loona baahiqabey in lahelo xilligaan. Howsha dhismaha xabsiga (Jeelka) waxaa loo arkaa iney tshay mid waxtar ballaarana u yeelandoonta xasilinta amniga iyo xakameynta kuwa qatarta ku ah amniga dadka iyo dalkaba. Intaas iyo kuwo kale oo door ah ayaa lagu xasuusandoonaa Socdaalkii MD farmaajo ee labada asbuuc qaatay!!

4-Dib-uheshiisiinta:

• Isku furka Gaalkacyo; labada maamul waxay heshiisyo ka gaareen qodobo muhiim ah oo in muddo ah la isku hayey. Waxaana isku aragti laga noqday sidii isku jaho loogu wada jeensan lahaa si loo gaaro isku tiirsanaan iyo iskaashi bulsho oo ka hanaqaada geyiga.

•Mideynta GLM & ASWJ; Tani waxay aheyd mid kamid ah kuwa loogu hankabweynaa ee MD weyne farmaajo goobjoogga u noqdey intuu kugudo jirey safarkiisii “Samo-wade”. Wuxuuna soo gunaanudey kala afkaar duwanaashihi sanahada badan u dhaxeeyey dhinacyada Galmudug iyo Ahlu suna wal jameeca. Waxaana dhulkaas maanta ka jira hal nidaam ama maamul oo ah “GALMUDUD STATE”.

• Nabadeynta Xareele & Gureceel; colaado soo noqnoqday una dhaxeeye garabyo kaladuwan ayaa ragaadiyey deegaano badan oo kawada tirsan gobolada dhexe ee dalka. Meelaha sida weyn colaadahaas u naafeeyena, iyaguna dhexdooda dagaalada isku qaaday waxaa ka mid ahaa magaalooyinka Gureceel iyo Xeraalle. Kiwaasoo ay isku hayeen labo garab oo kawada tirsanaa Awoodaha ASWJ. Hadaba MD farmaajo ayaa garwadeen ka noqday dadaalo dib u heshiisiineed oo ay la dhex dhigay dadka deegaanadaas wada daganaa.

• Heshiiska G/ceel & B/balle

• Heshiisinta reer C/waaq; Si lamid ah meelaha kale ee gobolka, CW waxay muddooyinkii la soo dhaafay la daalaa-dhaceysay mushkilado dagaalo iyo gacan akhadal u badnaa oo ay hormuud ka ahaayeen maleeshiyo beeleedyo aan la garankarin doonistooda saxda ah iyo waxa ay kala riixanayaan.

Kuwaasoo dib udhac ballaran ku hagey deegmadas iyo dhulka waqooyiga Galgudud. Hadaba safarka MD M.C. Farmaajo intuu ku sugna magaalada C/waaq waxaa lagu guuelystay in la xaliyo khlaafkaas, maleeshiyaadkii hubeysnana magaalada laga saaro, guudiyo waxgarad iyo culumo ka koobana la magaacabo ayadoo loo xildaaray dhameystirka waxyaabaha qabyada la ah heshiiska, iyo dhismaha maamul loo dhanyahay, ayadoo lala tashanaayo dowlad goboleedka iyo xukumada federaalaka si looga kaashado arimiha muhiimadda u leh sii socoshada dadaalada MD farmaajo unkey ee c/waaq laga dhidbay!!

• Khilaafki Galdogob iyo PL; Degamda Geldogob waa magaalo ka tirsan maamulka puntland, waxaase waayadan ay marti galineysay tabashooyin mararka qaar kacdoono isugu rogi lahaa ayadoo reer Galdogob isugu yeerteen sidii ay dibindaabyeyn lahaayeen mamulka talada Puntland haya ee Md Gaas. Ayagoo lsaluugmo ka muujisey hanaankiisa hogaamineed kuna dadaalayey iney kalsoonida kala noqdaan maamulka puntland. Nasiib wanaag, Safrkii MD farmaajo ayaa horseeday garabyadii kala irdheysnaa iney wadahadal ku xalliyaan kala duwanaashahooda, ugu dambeyntiina waxaa lagu guuleystay iney si shuruud la’aan ah u heshiiyeen deegaanadii is hayey.

5-Maamulka

~Dhismaha mamulka Caabudwaaq.

~Dhameystirka baarlamka GMD iyo ASWJ

6-Horumarka/Kaabeyaasha dhaqaalaha:

Waxaa MD farmaajo uu qaar dhagax-dhigay kuwana uu dhameystirkooda balanqaaday mashaariic waaweyn oo dhanka horumarka iyo kaabayaasha dhaqaalah isugu jira. Waxaan si kooban halkaan ugu soo qaadanayaa dhowr mashruuc ee ugu muhiimsanaa. Waxaana ka mod ahaa

☆ Airport-ka Caabudwaaq oo la dhameystirayo
☆ Dekedda Hoyo oo la dhisidoono dhawan..
☆ Jamacada CW oo la dhameystiraayo insha allah.
☆ Jaamacadda Qardho oo la dhagac dhigay.
☆ Jidka Ayl (ceeldaahir) oo la dhisidoono.
☆ Jidka Qandala & Boosaso kaasoo la dhagax dhigay.
☆ Arport-gii Gaaĺkacyo oo la balaarinaayo.
☆ Jaamacadi Galmudug Gkyo ee la dhahaxdhigay.
☆ Xarunti Mdaxtoyada Dhusamarey oo la dhagaxdhigay
☆ Xarunta Qeyntii 21aad oo dhagaxdhigay
☆ Jidka Hobyo-Cwaaq oo la dhagaxdhigay
☆ Qalabeynta Isbitalka B/lle oo lagu yaboohay/ballanqaday.
☆ Kastamka CW-Ethiopia oo asgana lagu wado in heshiiskii lagu dhisi lahaa ay kawada hadlaan dowladaha Soomaaliya & Ethiopia.

Gunaanadkii:

Guud ahaan safarkii MD farmaajo waxa uu ku soo idlaaday si Nabadgelyo ah, Guulo wax ku ool ahna ka soo hooyey deegaanadii uu booqday dhammaantood..wuxuuna ahaa Safar Miraha ka soo baxay ay jaho cusub oo yididiilo Qaran oo hor leh ay u odorasayaan Shacabka Soomaaliyeed

“Gobanimo dalleel laguma helo, daar adoo gala’e. Haddaad doono leedahay, Naftaa “Diiq” la galiyaaye!.

Waa mur iyo deebaaq waxaad, dib igu aaydaaye. Dunjigaagu Ubadkuu dhalay, yaad ugu dambeysaaye. Dib maxaa idiin celinaya, oo horey idiin diiday? Mar un maadku dayataan khalqiga, Libinta Doonaaya”?.

AUN: Xaji Aadan Afqalooc.

Diyaariyey: Abdi Gashan Egal

#NABAD&NOLOL

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Maxamuud Saleebaan says:

    Adeer hadalka Sada ah waxa uu yahey Ayadda Hawiye ,khaasatan Habar digir u tashadeen inay burburshaan dowladda Farmaajo uu Puntland tagey. Markaasi Habar digir dhuusadii ku noqotey. Markii ay arkeen in uu Farmaajo uu dad iyo dhul uu leeyahey, Fardo, Gheel iyo seefo dahab ayaa la gudoonsiiyey. Farmaajo laftiisa cuqdadii iyo naceybkii uu qabey waa ka nafisey.
    Puntland waxba uma soo kordhin, Galmudug oo Kala daadsan oo dhurwaada midba gooni taaganyahey ayuu hesiiseeyey, Mareexaankii loo diidey puntland iyo Cabudwaaq ayuu ku arkey.




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

Dhageyso”Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed”ilaa 5-Kun oo Soomaali ah ayaa weli ku dhiban Liibiya”
- Feb 18, 2018
Axmed Daahir C/kariin oo ah Gudoomiyaha Hay'ada Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey in ...
Ciidanka Asluubta oo u diyaar garoobaya xuska xiligii la aas aasay
- Feb 18, 2018
Qeybaha kala duwan ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa xiligan diyaar garow balaaran ugu jira ...
Wasaarada Waxbarashada Oo Ardayda Dhameysatay Waxbarashada Heerka Koowaad u Tababareysa Macalinimo
- Feb 18, 2018
Wasaarada Waxbarashada xukuumada fedraalka soomaaliya ayaa ka dhawaajisay in ardayda dhameysatay waxbarashada heerka koowaad ...
Shariif Xasan Sheekh Aaden Oo Magaalada Muqdisho Soo Gaaray
- Feb 18, 2018
Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo maalmihii ugu danbeeyey safaro dibadda ...
Wasaaradda Gaadiidka oo dar dargelineyso hirgelinta sharuucda gaadiidka
- Feb 18, 2018
Kulankan oo lagu soo bandhigayay shirciga lagu dhaqayo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan  oo ay ...