Wararka naga soogaaray Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland lagaliyay heegankii ugu dambeeyay maanta oo ay sugayaan oo kaliya Amarka Taliyaha Guud ee Ciidamada Puntland Siciid dheere.
Warar ay helayso Warbaahint Allgalgaduud.com ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka iyo Madaxweyne gaas ay iskuhayaan sidii meel loo saari lahaa saadkii Ciidama iyo dhaqaalihii loogu talagalay Dagaalka Tukaraq.
Madaxweyne Gaas ayaa taliyaha kuwargaliyay in Wasiirka Maaliyada Puntland uu kala xiriiro wixii dhaqaale ah oo ay Ciidamada ubaahanyihiin laguna dhaqaao xoraynta Gobolka Sool .
Todobadyadii udambeeyay waxa ay Dowlada Puntland waday diyaar garow xoogleh oo ku saabsan qaabkii ugu haboonaa ee loo wajihi lahaa duulaanka ay ku qabsadeen ciidamada soomaaliland deegaanka Tukaraq