Xildhibaano iyo Waxgarad soo dhaweeyay dhagax dhiga dhismaha Dekedda Hobyo

0

Iyadoo maanta la filayo in Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed “ Farmaajo” uu dhagax dhigo dhismaha Dekedda Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa tallabadaasi soo dhaweeyay Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka soo jeeda deegaanada Maamulka Galmudug.

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa tallaabo guul ah ku tilmaamay dhagax dhiga Dekeddaasi.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in arrintani ayu tahay guul u soo hoyatay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Imaam Cumar Macallin Abshir oo ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Galmudug ayaa guul weyn ku tilmaamay dhagax dhiga dhismaha Dekedda magaalada Hobyo.

Waxaana uu xusay in ay tahay Barwaaqo u soo hoyatay shacabka ku dhaqan deegaanada Maamulkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta soo gabagabeynayo safarkiisa ayaa dhagax dhigay Mashaariicyo muhiim ah oo laga hirgalinayo deegaanada Mudug iyo Galgaduud.

Waxaana uu shalay ka qeyb galay furitaanka faraca Jaamacadda Ummadda ee magaalada Caabduwaaq ,isagoona ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug in ay ka wada shaqeeyeen xoojinta midnimada iyo nabadda.