War Deg Deg ah:-Xiisaddii Siyaasadeed ee Cadaado oo la soo Afjaray

1

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Madaxda Galmudug ayaa ku guuleystay in ay soo Afjaraan Xiisadii Siyaasadeed ee maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd Magaalada Cadaado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in Cadaado ay noqoto xarunta baarlamaanka Galmudug uu ku shaqeyn doona.

Waxaana uu  sidoo kale sheegay in reer Cadaado ay kaalin muuqda ka qaateen dhismaha maamulka Galmudug.

Sidoo kale Cadaado ayaa horay madaxweyihii hore Galmudug Cabdikariin Guuleed u magacaabay Xarunta Ganacsiga Galmudug.

Odayaashii iyo waxgaradkii ku sugnaa madasha ayaa u muuqday kuwa ku qancay hadalka Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Comments are closed.