Shaqaalaha Gobolka Banaadir oo labo maalmood kadib shaqo tagay

0

Shaqaalaha Gobolka Banaadir ayaa labo maalmood kadib u shaqo tagay xarunta Aqalka dowladda Hoose, halkaasoo labadii maalmood ay xanibeen ciidamo Milateri ah oo loo yaqaano Koofiyo Gaduud, kuwaasoo xarunta la wareegay habeenkii axadii.

Ciidamadan ayaa shalay laga qaaday xarunta, iyadoo dib mar kale amniga xarunta loogu wareejiyay Ciidamadii Booliska ahaa ee habeen hore la kala diray.

Labadii maalmood ee ay Ciidamadan ku sugnaayeen xarunta ayaa waxay xanibeen dhaq dhaqaaqii xarunta iyo hareeraheeda, iyadoo dadka loo diidayay inay galaan.

Wararka ayaa sheegaya in dadaalo socday oo lagu xalinayay Xiisadii ka taagneyd Gobolka Banaadir ay sababtay in ciidamadii la dul keenay xarunta laga raro, si shaqaalaha Gobolka Banaadir ay u wataan howlahooda shaqo.

Howlihii dowladda Hoose ayaa hakad galay, kaddib markii wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha xilka looga qaaday Guddoomiyihii gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, iyadoo lagu magacaabay Guddoomiye cusub.

Guddoomiyihii xilka laga qaaday Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta lagu wadaa inuu dib ugu laabto Xafiiska, si uu u diyaariyo howsha xil wareejinta.

Guddoomiye Taabid ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu xilka ku wareejiyo Guddoomiyaha cusub Eng. Yariisow.

Khilaafka siyaasadeed ee ka taagnaa Gobolka Banaadir ayaa sababay in waji cusub uu galo xaalada gobolka, iyadoo aanay marna dhicin intii xilka laga qaadayay Guddoomiyaashii soo maray Gobolka Banaadir in ciidamo la dul dejiyo xarunta gobolka, isla markaana ay dhacdo xaalad u eg afgambi, maadaama laga cabsi qabay isku dhacyo iyo rabshado.